
- 9 Haa/Maya su’aalood
- Ma jirto wax ah diiwaangelin ii-mayl
Fiiro gaar ah u yeelo in haddii aad si halis ah u xanuusanayso inaad la xiriirto daryeelka bukaanka, tusaale ahaan 1177, si loo helo talooyin.
Fiiro gaar ah u yeelo in haddii aad si halis ah u xanuusanayso inaad la xiriirto daryeelka bukaanka, tusaale ahaan 1177, si loo helo talooyin.
Hubinta sambabada ma aha qalab lagu ogaanayo mana bedelayso hadal ka soo baxay dhakhtarka, laakiin ujeedadu waa in la kordhiyo wacyiga cudurada sambabada oo uu ku jiro kansarka sanbabada. Cudurro badan oo sambabada ah ayaa inta badan keena calaamado aan caddayn bilowga hore oo nasiib darro sidoo kale waxay caadi u tahay kansarka sanbabada. Haddii aad leedahay calaamado ku geliya welwel, ama haddii aad u baahan tahay talo, waa inaad raadsataa daryeel caafimaad. Nuxurka imtixaanka intarnatka waxa la sameeyay iyada oo lala kaashanayo Michael Bergqvist, barafasoor ku magacaaban, ahna dhakhtar sare dhinaca kansarka iyo Per Rönmark, oo ku takhasusay caafimaadka guud.
Ma leedahay qufac ah joogto, cusub ama isbaddalay?
Qufaca waa wax caadi ah waxaana sabab u ahaan kara waxyaabo badan oo kala duwan. Qufucu waa falcelin difaac ah oo bilaabma haddii ay wax dhibaan xuubabka jilicsan ee marinada neefta. Qufac noociisu isbadalo oo sii dheeraad ah u noqda mid dhib leh ama loo dareemayo sidii ”hargab wakhti dheer” waa in mar walba uu baaro dhakhtar.
5. Miyaad dareentay in ay korodhay samaysanka xaakada ka imanaysa marinada neefta?
Haddii aad dareento korodh ah samaysanka xaako markaas taas waxaa sabab u ahaan karta in aad joogto dhismayaal qalayl ah oo boor leh laakiin waxaa xitaa sabab u ahaan kara caabuqyada marinka neefta. Way fiicantahay inaad la xiriirto rugtaada caafimaadka oo ka codsato baaritaan si loo caddeeyo sababta.
Miyaad isku aragtay neefsi foori oo kale/xabeeb leh?
Dhawaaqa foori oo kale/xabeeb leh wuxuu yimaadaa caadi ahaan marka dhuunta neeftu ay isku soo jiidanto ee socodka hawadu xadaysmo. Tani waxaa sabab u ahaan karta xanuunka xiiqda, KOL ama caabuqyada marinada neefta. Tani waxaa xitaa sabab u noqon karta cudurrada wadnaha iyo sambabada. Haddii aad isku aragto calaamadahan waa inaad la xiriirtaa daryeelka bukaanka si loo sii wado baaritaan.
Miyaad badanaaba leedahay caabuqyada marinka neefta ama aanad si buuxda uga bogsan ka dib caabuq marinka neefta ah oo kugu dhacay?
Haddiiba aad leedahay dhibaatooyin marinka neefta ah oo soo noq-noqda/wakhti dheer jira waa inaad la xiriirto daryeelka bukaanka. Isla markiiba raadso daryeelka bukaanka haddii aad leedahay dhibaato ah dhinaca neefsiga, leedahay xummad sareysa iyo haddii xaaladaada guud sii xumaato. Haddii aad leedahay caabuqyo soo noq-noqda waxay taasi tilmaamaysaa cuduro kale oo sambabada ah oo waa in la sii baaro, weliba isbitaal sambabada ah.
Miyaad dareentaa in si fudud aad u xiiqsantahay?
Dad badan waxay aaminsanyihiin in xiiqsanaanta ay badanaaba sabab u tahay tababarka jirka oo liita ama miisaan xad dhaaf ah. Laakiin haddii aad xiiqayso xilliga hawl qabd fudud ama adigoo nasasho ku jira waxay tani tilmaan u ahaan kartaa cudur wadnaha ama sambabada ah oo waa in ay sababtaa in lala xiriiro daryeelka bukaanka.
Miyaad adigu imminka la kulantay, ama aad horey ula kulantay boor, gaasyo, raadoon ama macdanta asbest?
Gudo u neefsiga boor, gaasyo raadoon ama macdanta asbest waxay keenta khatar caafimaad. Marinadeena neefta waxay leeyihiin habyo is difaac laakiin marka ay wakhti dheer soo wajahday dhib ma ku filnaanayaan difaacyadan.
Ma cabtaa sigaar ama ma cabi jirtay sigaar?
Cabista tobaakada waxay kordhisaa khatarta dhinaca dhowr cudur, waxaa ka mid ah dhowr ah cudurada kansarka, cudurka xididada wadnaha, cudurka sonkorta iyo cudurada iyo caabuqyada xubnaha neefsiga. In la joojiyo sigaar cabista waxay mar walba leedahay faa’iidooyin caafimaad oo mar walba way fiicantahay. Daryeelka caafimaadka ayaa kugu casuumi kara taageero iyo caawimaad, adigaaga doonaya inaad joojiso sigaar cabista. Haddii aad iska joojisay sigaar cabista – hambalyo! Adigu waxaad samaysay wax aad ugu fiican caafimaadkaaga, sii wad inaad xor ka ahaato sigaar cabista.
Miyaad soo qufacdaa dhiig ka yimi marinada neefta?
Haddii aad soo qufacdo dhiig waxa taas sabab u ahaan karta barar ama caabuq dhinaca marinka neefta ah laakiin waxa taas xitaa lagu sharaxi karaa arrimo kale kuwaas oo kansar sabab u yahay taas oo ay khasab tahay in shakigeeda meesha laga saaro iyadoo la marayo baaritaano uu fuliyay dhakhtar.
Miyaad dareentaa xanuun joogto ah oo dhinaca shafka iyo garbaha ah ama hoos u dhac miisaan oo aan ku iman in la doonayay?
Waxaa lagugula talinayaa inaad la xiriirto daryeelka caafimaadka si loo sameeyo baaritaan. Sababuhu way kala duwanaan karaan oo waxaa ku jiri karta laga bilaabo khal-khal qanjidhka ah ilaa iyo cudur wadnaha-sambabada ah laakiin xitaa cudurka kansarka waa cudur ku sheegid ay tahay in meesha laga saaro shakigeeda.
Imtixaanku imminka wuu dhammaaday.
Waxaad ku jawaabtay haa 8 ka mid ah 9 su'aalood.
Borograamyada akhriya bogga Internetka badankooda waxay dhinaca adeega daabacaada ay keydin karaan jawaabahaaga oo ah fayl PDF ah haddii aanad haysan makiinada daabacaada.